AUN Ambassador Cabdisalaan Maccalin Aadan Oo Talyaaniga Ku Geeriyooday

0

Roma (AGGM) INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN waxaa shalay Allaha u naxariistee dalka Talyaaniga ku geeriyooday ambassador Cabdisalam Maccalin Aadan  oo hore u soo qabtay xilil waaweyn oo umada Soomaaliyeed ay lahayd.

Danjiraha oo magac weyn ku lahaa umada Soomaaliyeed dhexdeed ayaa AUN wuxuu muddooyinkan dambe ku xanuunsanayay dalka talyaaniga.

Ambassador Cabdisalam Maccalin Aadan wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo sanadkii 1943kii. Wuxuu isla waxbarashadiisii hoose iyo tan sare ku qaatay Luuq. Hase ahaatee wuxuu waxbarashada jaamacada ku soo qaatay dalal ay kamid yihiin Ruushka, Yemen iyo Sucuudiga. Sucuuiga iyo Yemen wuxuu ku diyaariyay culuumta islaamka, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Taariikh Kooban

AUN Danjire Cabdisalaan ayaa horey  u soo maamulay magaalooyinka Afmadow, Marko Iyo Afgooye Isagoo guddoomiye ka soo noqday intaba.

AUN Ambassador Cabdisalaam Macallim Aadan wuxuu si buuxda u noqday diblomasaasi wasaarada arrimaha dibada ah sanadii 1977dii.

Sanadkii 1981 wuxuu qunsul ka soo noqday wadanka boqortooyada Sucuudiga gaar ahaan magaalada  Jeddah.

Sanadii  1984 wuxuu noqday safiirka Soomaaliya ee koonfurta Yemen oo ah hadda ah dalweynaha Yemen.

Sanadkii 1990kii waxaa uu noqday  danjiraha Soomaaliya ee Yemen

AUN Danjiraha wuxuu ka soo shaqeeyay wadamada  Ciraaq iyo fadhiga Soomaaliya ee Jaamacada Carabta. wuxuuna ifka kaga tagay xaas iyo caruur.

Allgalgaduud waxay tacsi u diraysaa qoyskii, qaraabadii, saaxiibadii iyo umadda Soomaaliyeed oo dhan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com