Dhageyso:Amisom Oo Ka Hortageysa In Cudurka Ebola Uu Soo Gaaro Soomaaliya

0

Muqdisho, AGGM:Taliska howlgalka midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegay inay si dhow ula socon doonaan faafida cudurka loo yaqaan Ebola oo lagu arkay dalka Guinea iyo wadamada kale ee xuduudaha la leh ee galbeedka gaarada Africa.

Cudurkaan oo bishii labaad ee sanadkaan 2014 lagu arkay dalka Guinea ayaa kusii faafay dalalka Liberia, Sierra Leone oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya iyo Nigeria oo kamid ah ciidamada booliska AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

Taliska AMISOM war qoraal ah oo kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay in ciidamo ka socda dalka Sierra Leone ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM taasina ay ku qasabtay inay si taxadarleh ula socdaan faafida haddii qaar kamid ah ciidamadaasi ay qabaan cudurkaasi.

Waxaa maalmo kahor afhayeenka AMISOM Cali Aadan Xumad uu sheegay in la joojiyay ciidamo cusub oo loosoo daabuli lahaa dalka Soomaaliya laguna badali lahaa ciidamo kale oo ku sugan gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada ayaa la sheegay in baaritaano caafimaad ay soo maraan ka hor inta aan loosoo daabulin dalka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo xaaladooda caafimaad, sida lagu sheegay qoraalka AMISOM.

Qoraalka AMISOM ayaa lagu sheegay in si dhow ay ula shaqeyn doonaan dowlada Soomaaliya iyo hayada caafimaadka adduunka si ay ula socdaan xaalada caafimaad ee ciidamada iyo ilaalinta faafida cudurkaasi.

AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay in la hergelin doono cisbitaal labaad oo ciidamada AMISOM ay leeyihiin si caafimaadka loogu baaro, sidoo kale dowlada federaalka iyo hayadaha la shaqeeya ayaa loogu baaqay inay xaqiijiyaan goobaha laga soo galo dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com