Top News: Ahlusunna Waljaamaca ” Ciidamo Ilaaliya Ammaanka Xildhibaanada Ayaan U Diraynaa Magaalada Muqdiso”.

0

Muqdisho, AGGM:Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka arimiya qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud ayaa shaaca ka qaaday in Magaalada Muqdisho usoo dirayaan Ciidamo gaar ah oo gacan ka geesta ilaalinta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah Saraakiisha Sar sare ee Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa Maanta sheegay in ay diyaar u yihiin Ururkooda in ay Al-Shabaab ka xureeyaan Deegaanada iyo Degmooyinka ee wali gacanta ku hayaan.

Waxa uuna intaa raaciyay Sargaalkan katirsan Ahlu Sunna in Magaalada Muqdisho ciidamo gaar ah u dirayaan oo ilaaliya amaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo mudooyinkii dambe dilal qorsheesan loogu geesanayay Magaalada Muqdisho.

‘’Ahlu Sunna waxa ay diyaar u tahay in ay Ciidamo u dirto Magaalada Muqdisho si ay amaankooda u ilaaliyaan Xildhibaaada Baarlamaanka Soomaaliya ee Maalin kasta lagu dilo Magaalada Muqdisho , ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Hadalka Ahlu Sunna kasoo yeeray ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho ay kusoo kordhayeen mudooyinkan dambe dilalka qorsheesan ee loo geesanayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya , iyadoona Xildhibaankii ugu dambeeyay Shalay Muqdisho lagu dilay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgduud@gmail.com