Nin ganacsade ah oo lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha

0

Wararka laga helayo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay xalay halkaasi ku toogteen nin kamid ahaa dadka deegaanka.

Dilkaan ayaa loo geystay nin magaciisa lagu sheegay Xasan Siciid oo kamid ahaa Ganacsatada deegaanka Ceelasha biyaha goob ganacsi ayuu ku lahaa meel ku dhaw Saldhiga Deegaanka Ceelasha biyaha oo ciidamada Dowladda ay joogaan.

Rag hubaysan ayaa toogtay ninkaan gacansadaha ahaa, xilli uu ka ambabaxay goobtiisa ganacsi kuna sii wajahnaa xaafada uu deegaankaasi ka degan yahay, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Raga dilka u geystay ninkaan ganacsadaha ah ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo aysan suuragelin in ciidamada ammaanka Dowladda ee deegaanka Ceelasha biyaha ay gacanta kusoo dhigaan ragaasi.

Ninkaan xalay la dilay ayaa dukaankiisa waxaa la sheegay in ay wax ka iibsan jireen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana hadal haynta dadka ay tahay in loo dilay arimo caynkaasi ah, maadaama dadka ay sheegayaan in ganacsadahaan uu ahaa qof wanaagsan.

Inta badan waxaa dhacda inay fakadaan raga dilalka u geysta dadka shacabka iyo Askarta Dowlada ku jira, waxaana yara in dad loo soo qab-qabto dilalka dhacaya.

Maamulka Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin dilkaan xalay ka dhacay deegaankaasi.