Madaxweyne Xasan Oo U Dhoofay Mareykanka

0

Muqdisho (AGGM) Xasan Sheekh Maxmauud madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta galinkii dambe ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo u duulay Mareykanka. Madaxweynaha waxaa garoonka ku sii sagootiyay Raisul wasaaraha Cabdiwali Sh. Axmed, saraakiisha ciidan, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xildhibaano.

Madaxweynaha ayaa Mareykanka uga qeybgalaya shir ay madaxda madaxda qaaradda Africa ka qaybgalayso oo ay dawlada Mareykanka soo qabanqaabisay.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehlinaya wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya, waxayna Mareykanka ku sugnaan doonaan mudada u dhaxaysa 4 ilaa 6 bishan Agosto.

Kulanka madaxda Afrika uga furmaya Mareykan waxaa loogu magac daray jiilka dambe waxaana la sheegay in si gaar ah loogu faaqidi doono  danaha iyo baahiyaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo wadamada Africa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com