Dhageyso+Sawiro: Xildhibaanadi Puntland Ee Isaga Soo Haluulay Muqdisho Oo Gaaray Garoowe.

0

Garoowe, AGGM:Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasumada Dowladda Puntland soo gaaray Xildhibaano hordhac u ah Xildhibaanada Puntland ugu jira Fedaraalka oo uu dhawaan wada tashi ugu yeeray Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Xildhibaanada yimi maanta Magaalada Garoowe waxaa hogaaminayay Xildhibaan Xasan Abshir Faarax iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf,waxana ay tiro ahaan ahaayen lix Xildhibaan .

Markii ay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe waxaa soo dhawayn balaaran usameeyay Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland,Xildhibaano,Sarakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Shacabka qaybahiisa kala duwan ee ku nool Magaalo madaxda Puntland garoowe.

Intaas ka dib ayaa wafdigaasi waxaa loo soo gudbiyay aqalka Madaxtooyada dowladda Puntland waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxmed Cali Gaas.

‘’Sharaf weyn ayay ii tahay maanta inay igu soo booqdaan xarunta madaxtooyada Puntland wafdi ka socda Baaralamanka Soomaliya gaar ahaan xubnihi matalayay dowladda Puntland ‘’Sidaasi waxa yiri Madaxwayne Gaas.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale Xildhibaanada uga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen baaqii uu ugu yeerayay xildhibaanada Puntland ugu jira Dowladda Fadaralka Soomaaliya .

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf oo iyana si wadajir ah ula hadlay warbaahinta ayaa kamahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Dalka Puntland oo ay deegaan ahaan ka soo jeedaan.

‘’Markii aanu maqalnay baaqii aad soo jeedisay Puntland dadka kaga jira in la yimaado waanu soo dhaqaaqnay runtii waxna ma aanan sugin ilaahayna nabad buu nagu keenay ‘’Sidaasi waxa yiri Xildhibaan Xasan Abshir Faarax.

Halkaan Ka Dhageyso Madaxweynaha Puntland.

Halkaan Ka Dhageyso Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf

Halkaan Ka Dhageyso Xildhibaan Xasan Abshir Faarax

x4

x1

x2

x3

x6

x

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgduud@gmail.com