Dhageyso: Wasiirka Arimaha Gudaha Goodax Barre” Wax Dhibaya Ximin Iyo Xeeb Kuma Jiraan Heshiiska Gobolada Dhexe”

0

Muqdisho(AGGM) Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa difaacay heshiiskii shalay magaalada Muqdisho lagu sixiixay, kaasoo maamul mideysan loogu dhisayo gobolada dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskaas yahay mid lagu liibaanay oo wax tar u ah umada degan goboladaas. Wuxuuna tilmaamay in arrintaan muddo laga soo shaqeynayay.

Goodax Barre ayaa yiri  ” Wax Dhibaya Ximin Iyo Xeeb Kuma Jiraan Heshiiska Gobolada Dhexe”

Maamulkan ayaa waxaa taageeraya dawlada iyo beesha caalamka inkastoo ay jiraan khilaafaadyo  Siyaasadeed oo kala duwan ay soo baxayaan taasoo la dhawrayo habka loo maro.

Halkaan ka dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com