“DHAGEYSO+SAWIRRO”Ambassador CabdiRashid Cali Sharma’arke Oo La Kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Minneapolis

0

Safiirka dowlada Soomaaliya ay dhawaan u magacawday dalka Maraykanka mudane CabdiRashid Cali Sharma’arke oo axadii gaaray magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka ay degan yihiin QurboJoogta Soomaaliyeed ee ugu badan aduunka ayaa kulan ah wadatashi iyo warbixin isi siin la qaatay madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkaasi.

Ambassador CabdiRashid Cali Sharma’arkan waxaa uu kala hadlay madaxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Qurbaha xilka loo magacaabay, xaalada wadanka iyo sidii ay Qurbo Joogta u wada shaqayn lahaayeen madaama uu dhamaantood xil ka saaran yahay dib u dhiska dhaqan, dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ee dalku uu u bahan yahay.

Ambasadorka ayaa sidoo kale kala hadlay madaxda jaaliyadda xaalada dalka uu maraayo iyo dadaalka madaxda Soomaaliyeed ugu jiraan sidii loo soo celin lahaa sharafta iyo cisigii uu dalka iyo dadkiisaba lahaan jiray, oo ay ugu horeeso isku duubnaanta, midnimada iyo wadashaqeynta.

Ambassador CabdiRashid Cali Sharma’arke waxaa uu xaqiijiyey in wafti uu hogaaminaayo madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya uu soo booqan doono jaaliyada Soomaaliyeed, ee gobolka Minnesota, isaga oo kala hadli doono xaalada dalka uu maraayo maanta.

Dhinaca kale madaxda Jaaliyada Soomaaliyeed oo isugu jiray culimo, waxgarad, ganacsato, arday iyo siyaasiyiin, oo rag iyo haweenba leh, ayaa iyaguna warbixin ka siiyey xaalada dhabta ee Qurbo Joogta degan gobolka Minnesota, gaar ahaan magaalada Minneapolis.

Xubnaha Jaaliyadda Waxa kaloo ay u cadeeyeen Ambasadorka in ay si gacmo furan ku soo dhaweenayaan isku soo dhawaanshaha iyo wada shaqaynta jaaliyadda Soomaaliyeed iyo xafiiska Ambassadorka.

Xubnaha Jaaliyadda Waxaa kale oo ay cadeeyeen in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan, lana garab istaagaan madaxda dalka ee maanta iyo kuwa beriba, dib u dhiska wadanka iyo sidii cisigii dalka iyo dadkiisaba uu lahaan jiray loo soo celin lahaa.

 100_8667 100_8669 100_8674 100_8683 100_8805 100_8807 100_8812 100_87781