UNka Oo Sheegay In Labo Kamid Ah Gacanyarayaasha Xasan Sheekh Ay Alshabaab Hub U Gudbiyeen

0

Muqdisho(AGGM ) Qaramada Midoobey ayaa ku eedeysay labo kamid ah gacan yarayaasha sar sare ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh inay hub u gudbiyeen Alshabaab ka hor maalmo yar inta uusan dhicin weerarkii bishii September ay Alshabaab ku qaaday dhismihii ganacsi ee Westgate.

Hubkaas oo saanad ahaan loogu raray Alshabaab ayaa la sheegay in uu galay gacanta kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, taasoo ilaa 64 qof ku dishay weerarkaas lagu halaagsamay.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa mid kamid ah gacanyarayaasha madaxweyne Xasan u aqoonsatay in uu yahay Musa Haji Mohamed Ganjab, kasoo gacanta Alshabaab hubka galiyey.

Halkaan ka akhri warbixintaas oo English ah

http://www.thetimes.co.uk/tto/news/world/africa/article4159246.ece 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com