Dr. Ali A. Hirabe : Ma Dhabaa In RW Cabdiwali Jihawareeriyey Siyaasadii Soomaaliya?

0

Waxaa fashil ku yimid hogaankii fulinta ee dowlada federalka ,waxaana loo sabbabeeyn karaa arimaha guracan ee r/wasaare C/weli ku dhex dabaalanayo oo ah in uu kala fuquuqo Somalida koonfur degan,waxaa uu ogolaaday kuna dhiira-geliyay  in Maamulka Jubba sida uu hada wax u wado aay tahay mid lagu qancin karo dowlada federaalka iyada oo la ogyahay in Maamulka Jubba ka soo horjeedsaday heshiiskii Addis-ababa oo dhigayay  in Maamulka uu yahay mid ku meelgaar ah loona baahan yahay in si dhaqi ah leeyskugu keeno qabaailada Somali ee degan gobolada Jubbooyinka,in Maamulka ku wareejiyo dowlada federaalka Madaarka iyo Dekeda Kismaayo 6 bilood ka dib,C/weli waxuu iska indhatiray heshiiskii Addisababa waxuuna taageero u fidiyay Maamulka diidan hore u socodka dowlada federaalka.

C/weli waxaa uu ahaa ninkii abuuray Maamulka Seddeda Gobol ee ah Sh/ hoose.Bay iyo Bakool asaga aragtidiisa fog aay tahay in Maamulka Jubba noqdo mid meel cidla ah ka qaata dhibcaha tartanka boobka gobolada xaqooda la duudsiyay,sabbabta oo ah waxaa G.Baywaxaa  ka socday Maamulka 6 Gobol oo dhabarjab ku ahaa Maamulka Jubbooyinka,waxaa umada Soomaali isku raacday in 6 Gobol aay tahay bilowgii midnimada Somali iyo Maamul aay ku mideeysan yihiin dhamaan Umada Somali balse waxaa laga doortay midnimada Somalia in boob iyo dhac looga hiiliyo Nin ka yimid Walwaal & Wardheer ,C/weli waxaa uu abuuray in uu iska horkeeno Digil iyo Mirif maanata aay isku horfahiyaan magaalada Bay,waxa hada socdaa aay tahay in aay hub isku urursadaan kuwii waa  dhashay ee shalay wada degenaa.

Muqdisho waxaa la soo magaacabay Muungaab waxaana loo balan qaaday in Maamulka G.Banaadir aay hoos imaaneeyso dhamaan Poliska Gobolka iyo Muqaabaraaka amniga ee G.Banaadir ,waxaa arimaasi ka caga jiidaya waa C/weli maantase lama qarin karo oo Muungaab waxuu leeyahay waa in aay dowlada federaalka balanqaadkii aay sameeysan fulisaa haddii kale dhibka Muqdisho waxaa masuuliyadeeda qaadaya dowlada federaalka laamaheeda aay quseeyso amniga.Markii horeba daacad lagama aheeyn in Muqdisho nabad noqoto waxeeyna aheeyd  Muungaabow Shababa dhagahooda naga qabo iyaada oo la  ogyahay in dowlada dhexe aay tahay mida diidan in dalka lagu soo celiyo nidaam iyo kala danbeeyn,waxaan dhihi lahaa Muungaab isaga tag meesha umadana u sheeg sabbabaha aad u guuleeysan weeyday iyo wax kaa hortaagnaa soo celinta nabada iyo wada noolaanshaha umada Somali.

Muungaab waa fiicnaan laheeyd in uu shacabka Somali u sheego waxa ka hortaagan soo celinta nabada magaalada Muqdisho,waxaa quman in uu cadeeyo daqliga G.Banaadir inta uu yahay iyo sida looga adeegsan karo soo celinta nabada,haddii daqliga Muqdisho laga siiyo G.Banaadir aay tahay mid ka yar 60% daqliga Dekeda iyo Madaarka Muqdisho waxaan dhihi lahaa Muungaab umada u sheeg waxa aay xaqa u leeyihiin sida hada wax ku socdaan maaha mid leeysku soo dhaweeyn karo shacabka Muqdisho iyo dowlada dhexe waxa hada socdana waa mida abuurtay kala fogaanshaha shacabka Muqdisho iyo dowlaa federaalka,shacabka Muqdisho waxaa uu u baahan yahay in shaqo loo abuuro siyaasada aay ka qeeybgalaan,aragti mid ahne ka yeeshaan dhismaha owlada federaaka,haddii la waayo in   shacabka Muqdisho ka mid ahaado nabad soo celinta Muqdisho lagana fogeeyo xaqii aay lahaayeen maxaa ka imaanaya sow sida hada wax ku socdaan iyo mid kas ii foolxun maaha.Alow Sahal Umuuraha.

Dr. Ali A. Hirabe

Hirabe_a@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com