Top News: Ciidamada Ammaanka Itoobiya Oo Gacanta Ku Dhigay Ruux Isku Qarxin Lahaa Magaalada Addis Ababa.

0

Addis Ababa, AGGM:Ciidamada amaanka dalka Ethiopia Qeybta la dagaalanka argagaxisad ayaa war ay maanta soo saareen waxay ku sheegeen inay ka hor tageen weerar is qaraxin ahaa kadib markii ay gacanta ku dhigeen ruuxii fulin lahaa oo falaagada Al-Shabab ka tirsan sida warkaan lagu yiri.

Warkaan oo ay warbaahinta Ethiopia si guud u qoreen waxaa lagu sheegeen in ciidamada amaanka howlgal ay ka sameeyeen magaalada caasimada ah ee Addis-Ababa ay ku qabteen ruux ay ku sheegeen inuu Soomaali yahay oo doonayay inuu is qarxiyo.

War saxaafadeed ka kasoo baxay taliska ciidamada la dagaalanka waxa argagaxisada waxaa lagu sheegay in ruuxaan la qabtay xilli uu doonayay inuu isku qarxiyo meel ka mid ah magaaladda Addis-Ababa .

Dawlada Ethiopia ma aysan shaacin magaca qofka ay qabteen iyo xog intaas ka dheeraad ah intaba hase ahaatee waxaa warkaan lagu sheegay in hadda ay ciidamada amaanku gacanta ku hayaan oo ay su’aalo weydiinayaan.

Sidoo kale dawlada Ethiopia sidoo kale waxay sheegtay inay hayso xog ku saabsan in Al-Shabab ay maleegeen dhawr weerar oo ay magaaladda Addis-Ababa ka geystaan muddo todobaad ah.

Ethiopia oo ka mid ah dawladaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya Maraykanka ayaa maalin ka hor uga digay weeraro Al-Shabab ka geystaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com