Soomaalida Ku Dhaqan Dalka Kenya Oo Si Weyn Ugu Diyaar Garoobay Munaasabada Ciidul Fidriga

0

Waxaa Diyaar garow aad u xoogan islamarkaana lagu soo dhaweenayo Munaasabada Maalinta Ciidul Fidriga laga dareemayaa Suuqyada ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya gaara ahaan goobaha ay u badanyihiin dadka Soomaaliayeed.
Inkastoo wad iyo waxyar uun ay inaga xigeen maalinta Munaasabada Ciidul Fidriga ayaa diyaar garow kii ugu xooganaa oo loogu diyaargaroobayo maalintaasi waxaa si aad ah looga dareemayaa Suuqyada ugu waaweyn Xaafada Islii magaalada Nairobi ee xarunta Wadanka Kenya.

Goobaha saxmada aadka u xoogan laga dareemayo ayaa waxaa kamid ah Suuqa lagu magacaabo Amal iyo waliba midka isna la yiraahdo gaarisa lodg oo labaduba ku yaala xaafada ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii, waxaana Suuqyadaasi buux dhaafiyay dad aad u faro badan kuwaasi oo u qalab aruursanaya waxyaabaha ay ku labisan lahaayeen maalinta Ciidul Fidiriga ee Farxada u ah Umadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.
Axmed maxamuud barre waxa uu kamid yahay dadkii maanta Warbaahinta risaala ay kula kulantay gudaha Suuqa Amal Shopin Center ee Xaafada Islii isagoo xiligaasi ku mashquulsanaa iibsashada Dharka iyo kabaha Raga ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay u diyaargarowga Maalinta Ciidul Fidriga oo saacado uun ay inaga xigaan, waxaana uu xusay in Ciidaan iyo Ciidihii hore ay farqi weyn u dhaxeeyaan.

Dhanka kale mid kamid ah ganacsatada suuqa ayaa waxa uu sharaxaad kabixinya dhaqdhaqaaqa suuqa maanata isagoona shegay in saxmad xoogan ay ka jirto suuqa Marka laga soo tago goobaha lagu iibiyo Dharka iyo Kabaha ayaa sidoo kale waxaa mashquul faro badan uu ka jiraa mehradaha Ganacsi ee lagu iibiyo waxyaabaha Macmacaanka sida Xalwada, Buskutka iyo waxyaabaha la halmaala, waxaana halkaasi aad ku arkaysaa Hooyooyin iyo Aabayaal iibsanaya waxyaabahaasi si ay uga qeybqaataan damaashaadka maalinta Ciida.

Sidoo kale maanta ayaa mashquul aad uu xoogan waxa uu ka jiray goobaha ay Haweenku isku qurxiyeen iyadoo halkaasi ay buuxdhaafinayeen Haween aad u faro badan oo isu diyaarinaya ka qayb qaadashada maalinta Ciida.

Dhinaca kale waxaa iyana maanta aad Saxmad u ahaa goobaha Baalbiyeerada ama Timajarayaasha loo yaqaano ee ku yaala Xaafada Islii ee magaalada Nairobi halkaasi oo ay buuxdhaafiyeen Dhalinyaro badan oo doonaya in ay ka qayb qaataan dabaal daga Munaasanada Ciidul Fidriga.

Si kastaba xaalku ha ahaadee Ciidan fooda nagu soo haysa ee Ciidul Fidriga ayaa waxa ay kamid tahay Ciidaha Umadda Muslimiinta iyadoona xiligan ay gabaabsi sii marayso Bisha barakaysan ee Ramadaan oo iyana ah bil ka duwan bilaha kale oo Sanadkiiba mar timaada.

Wariye Baashi Cumar Ismaaciil
Nairobi Kenya