Daawo Sawirada:Saanad Hub Ah Oo Lagu Qariyey Garaashka Cismaan Caato Oo Muqdisho Laga Helay.

0

Muqdisho (AGGM) hay’addaha ammaanka dawlada Soomaaliya ayaa maanta shaac ka dhigay inay soo qabteen hub fara badan kaddib howgal culus oo ciidamo gaar ah ay ka sameeyeen xaafada Saybiyaano ee Degmada Hodan ee Muqdisho.

Hubkaan ayaa la sheegay in lagu qariyay garaashka Cismaan Caato oo ahaa hogaamiye Kooxeed Muqdisho ka dagaalami jiray, sida uu saxaafada u sheegay afhayeenka hay’adaha Ammaanka Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble.

Qaasim Axmed Rooble ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo tirade hubka iyo haddii ay jiraan cid ay la soo qabteen mudadii howlgalka. Balse waxa uu sheegay in dawlada ay abaalmarinayso shaqsiyaadkii soo gudbiyey xogta la xiriirta hubkaas.

Magaalada Muqdisho ayaa la rumeysan yahay in ay yaallaan hub qarsoon oo aad u farabadan, kuwaasoo qaarkood gacanta ugu jira beelo iyo kooxo argagixiso ah.

hub2 hub1 hub hub11 hub10 hub9 hub8 hub7 hub6 hub5 hub4 hub3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com