Top News: Kulamo Dhexmaray Wafdigii Dawladda Iyo Odayaasha Magaalada Caabudwaaq.

0

Caabudwaaq (AGGM) Magaalada Caabudwaaq oo tan iyo shalay ay ku sugnaayeen wafdigii Dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay degmadaas si ay u dhexdhexaadiyaan beelo walaalo ah oo halkaas ku dagaalamay ayaa yeeshay fadhiyayoodii ugu horeeyay.

Waftiga ayaa dhawr kulam oo gaar gaar ah waxaa ay la yeesheen odayaasha Celi iyo Wagardhac, kuwaasoo oo ay ugu horeyn kala hadleen inaysan dhicin wax kale oo xabad, iyadoo labada dhinac ay qaateen soo jeedintaas, ayna balan qaadeen inaysan dhici doonin xabad kale.

Nabadoon Maxamed Ciise Cadde oo ka mid ah odayaashii la kulmay wafdigii dawlada ayaa sheegay in qorsha xiga uu yahay in ay dhacaan wadahalado toos ah oo ay waftiga iyo beelaha walaalaha ah ay yeelan doonaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com