Top News: Hay’ad Fadhigeedu Yahay Mareykanka Oo Ciidanka Kenya Iyo Rag Ay Isku Beel Yihiin Axmed Madoobe Ku Eedeysay Inay Maalgeliyaan Al-Shabaab.

0

Nairobi (AGGM): Hay’ad ay maalgeliso dawlada Mareykanka oo lagu magacaabo Institute of Defense Analyses (IDA) ayaa waxaa warbixin dheer oo ay soo saartay ku eedeysay ciidamada Kenya Kenya iyo ilaa 70 qof oo ganacsato ah oo badankood ay isku heybyihiin horjoogaha Raaskambooni  inay maalgelin siiyaan Al-Shabaab.

Ragaan waxbixinta lagu sheegay ayaa la tilmaamay inay deganyihiin Kismaayo, Gaarisa iyo Nairobi waxayna isku xiraan ganacsiga dhuxusha iyo lacagaha loo soo gudbiyo ciidamada Kenya kuwaasoo loo yaqaano laaluushka.

Ganacsigaas xaaraanta ah ayaa waxaa lagu maalgeliyaan maleeshiyada Alshabaab, wuxuuna salka ku hayaan ganacsiga dhuxusha Soomaaliya oo dhoofinteeda kal hore la mamnuucay.

Hay’addan ayaa ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ku eedeeysay in ay si qarsoodi ah maleeshiyada Al-Shabaab ugala qeyb qaataan ka ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha oo ay sheerer waaweyn wada leeyihiin Alshabaab.

Warbixinta ayaa daaha ka rogtay in Kenya ay taageersan tahay ganacsi sharci darro ah ee dhuxusha oo daqli ka soo gala Al-Shabaab.

George Ward oo ka tirsan machadka IDA ee warbixinta soo saaray ayaa sheegay in Al-Shabaab ay si weyn wali ugu lug leedahay ganacsiga dhuxusha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Jubbooyinka iyadoo loo dhoof-geeyo dalalka Khaliijka Carabta.

Ciidamada militariga Kenya ee KDF ayaa Kismaayo la hela lacago faro badan, sida lacagta ka soo xaroota dekada, kuwaasoo ay ku ilaaliyaan ama mukulaal madoow ugu yihiin maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee aan awooda badan lahayn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com