Wasiirka Amaanka Ximin Iyo Xeeb Maxamed Daaci” Guddi Dhexdhexaadin Ah Ayaanu U Diraynaa Caabudwaaq”

0

Cadaado (AGGM) Wasiirka amaanka Ximin Iyo Xeeb Maxamed Daaci ayaa saxaafada u sheegay in ay diyaariyeen guddi dhexdhexaadin ah oo tagi doona magaalada Caabudwaaq si ay u xaliyaan xiisaha colaadeed ee u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee degmadaas ku dagaalamay.

Wasiir ayaa sheegay in maamulkoodu ay doonayaan in dadka degmada Caabudwaaq degan ay garab ku siiyaan ayna kala shaqeeyaan nabad sidii loogu soo dabaali lahaa xiisadaha colaadeed ee degmadaas ka dhacay.

Wasiir Amaanka Ximin Iyo Xeeb Maxamed Daaci ayaa yiri ” Guddi Dhexdhexaadin Ah Ayaanu U Diraynaa Caabudwaaq”

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com