Top News: Wafdi Xildhibaano, Wakiilka Ugaaska Iyo Guddoomiyaha Dhabad Oo Gaaray Magaalada Caabudwaaq.

0

Caabudwaaq (AGGM) Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabduwaaq ayaa sheegaya in halkaas ay shalay galab gaareen labo xildhibaan oo horudhac, odayaal dhaqameed iyo waxgarad kale oo si deg deg looga soo duuliyey magaalada Muqdisho.

Labada xlidhibaan ee Caabudwaaq gaaray aya waxa ay kala yihiin Xildhibaan Nuur Baadiye iyo  xildhibaan Shariif , kuwaasoo labaduna laga soo doorto magaalada Caabudwaaq.

Waftiga ayaa sidoo kale waxaa kamid ah ku simaha ugaaska beesha Sade Axmed Barre Taakow iyo gudoomiyaha degmada Dhabad.

Ciidamada dawlada iyo Ahlusuna ayaa haatan kun kala dhex jira labada beelood ee walaalaha ee diriray, waxayna iyaguna dhinacooda ogolaadeen xabad joojin shuruud la’aan ah.Taasoo sababtay in magaaladu ay haatan tahay mid degan oo sidii hore ku soo laabatay.

Imaanshaha waftigan ayaa waxaa ay ka dambeysaa kaddibmarkii taliyaha ciidamada xooga qeybta 21 Sulub Axmed Diiriye iyo waxgaradka Caabudwaaq ay dalbadeen in xildhibaanada beesha SADE iyo masuuliyiinta dawlada ay soo farageliyaan xaalada.

AGGM iyo dhamaan bulshaweynta Soomaaliyeed ayaa ku rajo weyn in colaada u dhaxeysa dadka walaalaha ah si deg deg ay dhawaan u soo dhamaan doonto maadaama mar walba aana la kala maarmin oo abti, adeer, awood iyo seedi la wada yahay.

AGGM mar walba wixii soo kordha way idinla socodsiin doontaa

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com