Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre Oo Gaaray Maxaas

0

Maxaas (AGGM) Degmada Maxaas oo ay dhawaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada kala wareegeen Alshabaab ayaa waxaa goordhaw gaaray wafti uu horkacayo wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

Waftigaan oo si heersare ah loo soo dhaweeyay ayaa waxaa loo galbiyay goobtii ay ka dagi lahaayeen magaalada waxaana la filayaa in ay la kulmaan waxgaradka Maxaas.

Amaanka degmada Maxaas ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo la arkayay howlgalada ay magaalada ka wadaan saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta ee Amisom.

Safarka  Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ah mid dhiirigelin ah kaddibmarkii ay ciidamada dawlada iyo AMISOM ay tillaabo horey u qaadeen iyo u kuurgelida xaalada dadka halkaas degan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com