Top News:Ururka Gabdhaha Beesha Sade Ee Dalka Faransiiska Oo Baaq Nabaddeed U Diraya Dhinacyada Ku Dagaalamaya Magaalada Caabudwaaq.

0

Anagoo ku hadlayna magaca Ururka gabdhaha Sede ee dalalka Yurub ( SWF) ,waxaau halkaan  baaq nabadeed uga direynaa walaalaha ku dagaalamay Magaalada Caabuduwaaq.

Waxaanu leenahay waa in uu aqligu taliyaa oo aad ogaataan inayan jirin wax faa’ido ah oo laga gaarayo dagaalka, balse laga dhaxlayo adduun iyo aaqiro waa.

Hadaan aqligu talin waxaa talin shadhaan oo idin horseedi kara adduuyana dad iyo duunyo beel iyo in ay kala irdhowbaan walaalaha isku dhiig iyo dhaqan ah, aaqirna lagu mutaysto naar lagu waaro.

Walaalayaal waxaad ogaataan in dagaalku dhaxalsiinay hooyooyinkiin, walaalahiin iyo gabdhahiina gablan iyo agoonnimo, sidii horay bulshada Soomaaliyeed uga dhaxashay dagaalka ehliga ee socda 23-ka sano.

Waxaanu cod dheer ku leenahay “Bes Waa Naga Bes” dagaal dambe. Dhiga qoriga oo wada hadla! si nabad loogu noolaado loona gaaro Horumar.

Ugu dambeyntii waxaanu idin leenahay ducada Hooyooyinka iyo Walaalahiin qaata.

Nuura Shire Abdulle
France

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com