Top News: Jaaliyada Beesha Sade Ee Dalka Jarmalka Oo Baaq Nabadeed U Diraya Dhinacyada Ku Dagaalamaya Magaalada Caabudwaaq.

0

Ku: Ugaasyada Beesha SADE
Ku: Dhammaan Odayaal- Dhaqameedka Beesha SADE
Ku: Dhammaan Saraakiisha Ciidamada XDS- Gobolka Galgaduud
Ku: Dhammaan Culimaa`udiinka iyo indheer.garadka Beesha SADE
Ku: Dhammaan Ururada haweenka iyo Dhalinyarada Beesha SADE
Ku: Dhammaan Qurba-joogta Dacalada Adduunka ee Beesha SADE

 

Waxaan anigoo ku hadlaya magaca Jaaliyada iyo Ururka SED ee Federaalka Jamhuuriyada Deutschland u soo jeedinayaa dhammaan xubnaha kor ku xusan ” BAAQ NABADEEDKAAN “,

Anagoo ku muujinayna shucuurteena ah inaan aad iyo aad uga xunahay,Dagaalka sokeeye ee ka dhacaya Nawaaxiga iyo Magaalada CAABUDWAAQ ee u dhaxeeya labada Beelood ee walaalaha Muslimiinta Soomaaliyeed ah,dagaalkaas oo geystey si macno- darro ah Dhimasho,Dhaawac, Bur-bur hanti iyo Barakacba

Waxaan ku Baaqeynaa:

1- Waxaan Tacsi u diraynaa dhammaan Eheladi iyo Qaraabadii ay ka geeriyoodeen walaaha Muslimiinta ah ee labada dhinacba, waxaana leenahay samir iyo iimaan ALLAHA idinka siiyo Ayagana dambidhaaf iyo naxariis ALLAHA siiyo.

2- In si dhaqso ah oo SHURUUD la´aan ah loo JOOJIYO dhiiga Sokeeye ee macno-darrada u Daadanaya !!!.

3- In dhammaan xubnaha kor ku xusan ay ka Qayb qaataan, kana hortagaan wixii sii Hurin kara Ama sii daba-dheeraynkara Dagaalkaas, waana inay joojiyaan, Nabadna ku soo Dabaalaan Dagaalkaas Sokeeye.

4- Waxaan ku baaqaynaa oo kale in dagaalkaan UUSAN AHAYN: Mid Xaq ah, Mid Diineed ah, Mid Tolnimo ah, Mid Soomaalinimo ah, Mid Degaan iyo Daris wadaagnimo ah, Dagaalkaan waa dagaal aan QEEXNEYN oo Macno-darro laba Wiil oo Walaalo ah ay ku dhima-nayaan, sidaas awgeed waxaan Cod dheer ku leenahay Hala JOOJIYO, hana laga Fogaado wax kasta oo Dagaal Macno-darro ah oo dhiig sokeeye kudaadanaya keeni kara.

5- Waxaan kaloon ku baaqaynaa in Dhaqanka Beesha SADE laga ILAALIYO, LAGANA SAARO in Beelaha SADE dhexdooda QORYO la isugu dhiibo, iyo in FARO-GELIN SHISHEEYE la isugu Adeegsado dhexdooda.

6- Waxaan kaloon ku baaqaynaa in WAQTIGAN Gobolka GALGADUUD-BARI uusan u baahneyn dagaal sokeeye ee uu u baahan yahay Maal-Gelin iyo Dhismo in lagu sameeyo si uu ula tartamo Gobolada kale sidaas awgeed waa si dhaqso leh looga Hortago, loona Joojiyo wax kasta oo sii hurinaya Dagaalka.

7- Iska Hor-imaadyada Siyaasadeed ee Waqtiyadan danbe soo Foodsaartay Bulshada Beesha SADE ee Gobolka GALGADUD-BARI, waa in lagu dhameeyo, laguna soo af-jaro WADAHAL waxa danta GUUD ugu jirto Gobolka iyo Dadka, waana in laga FOGAADO Xurguf-Siyaasadeed oo dhiig sokeeye ku daadan karo.

8- Ugu danbeyntii waxaan ku baaqaynaa haddaan nahay Jaaliyada Beesha SADE ee Federaalka jamhuuriyada Deutschland in Ugaasyada Beesha SADE, Odayaal-dhaqameedyada Beesha SADE, Saraakiisha Ciidamada XDS-Qaybta Gobolka Galgaduud bari, Culimaa`udiinka iyo Indheer-Garadka Beesha SADE, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Beesha SADE iyo Qurba-joogta Dacalada Adduunka ee Beesha SADE inay SI DHAQSO leh uga qayb-qaataan JOOJINTA iyo NABAD ku soo Dabaalida Dagaalkaan Macno-darrada ah ee dhiiga Sokeeye ku daadanayo iyo in XASILOONI laga dhaliyo Dhammaan Gobolka oo dhan.

Wabilaahi Tawfiiq

Dr.Mohamud Ahmed Mohamed ( Surdheer )
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com