Somaliland” Gaari, Dukuminti Iyo Telefoonkii Gacanta Galeyr Ayaanu Qabanay”

0

Hargeysa(AGGM) Saraakiisha maamulka Somaliland ayaa daaha ka rogay in gacantooda uu ku jiro gaari uu lahaa Cali Khaliif Galeyr oo ay ku qabteen deegaan lagu magacaabo Saaxdheer oo ka tirsan gobolka Sool.

Saraal u hadlay Somaliland  Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa ku eedeeyay Galeyr in uu yahay dagaal ooge ah, isagoo tibaaxay in ilaalo saarnayd gaarigaas oo labo nin ahna ay ku qabteen.

Gaariga ayaa xiliga la qabanayay waxaana saarnayd Galeyr oo dhacdadaas ka badbaaday, balse saraakiisha ayaa sheegaya inay gaariga ka dhex heleen dukuminti muhiim ah iyo telfoonkii gacanta ee uu adeegsan jiray Galeyr

Cali Khaliif Galeyr oo xildhibaan ka ah dawlada Soomaaliya ayaana arrintaas ka hadlin balse waxaa jira shaki ah in ay jireen kooxo doonayay in xildhibaanka la shirqoolo oo gacanta loo geliyo Somaliland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com