Safaaradaha Soomaaliya ee dibada oo dib u habeyn lagu sameeyey

0

Shirkan deg degga ahaa ee golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya isugu yimaadeen, ayaa looga arrinsanayey dib u habbeynta Safaaradaha Soomaaliya ee wadamada dibedda ku yaalla, waxaana shirka guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Arintan ayaa kadambeysa kaddib markii ay wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya golaha wasiirrada hor keentay si loo  dadajiyo arrintan isla markaana loo soo  celiyo Muuqaalkii saxda ahaa ee safaaradaha dalkeenna uu dibedda ku yaala.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Dhiiragelintna Maalgashiga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta lahadlay shirka kadib waxa uu sheegay in Golaha wasiirrada Soomaaliya ay oggollaadeen in safaaradaha Soomaaliya ee dibedda  tiradooda lagu soo koobo 31 safaaradood, Diblomaasiyiintana laga dhigo seddex, guud ahaan Shaqaalaha Safaaradaha Soomaaliya ka shaqeyana laga dhigo 93.

“Arrintan ku aaddan in la tayeeyo safaaradaha Soomaaliya waa qorshe ay wasaaradda Arrimaha Dibedda muddooyinka ka shaqeyneysay, waa Wijigii dalkeenna, waxaa hubaal ah in uu soo noqon doono haddii aan saxdo muuqaalka Safaaradaha xiriirka dhabta ah ee Caalamka iyo midka Diblomaasiyadda adduunka aan la leenahay, waxaana u mahadcelinayaa golaha wasiirrada oo qaaday Tallaabbo geesinnimo leh, oggollaadeyna in Safaaraha dalka dib u habeyn lagu sameeyo, sida ugu dhaqsyaha badan ayaa loo arki doona isbaddel”  ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.