Dhageyso: Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Oo Ku Faanay Garabkii Uu Siiyey Maleeshiyada Raaskambooni

0

Muqdisho (AGGM) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa wareysigaan aad hoose ka dhageysan doontaan ku sheegay arrimo badan oo isburinaya.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa tibaaxay in dawladu ay garab siinayso rabitaanka dadka iyo dhismaha maamulada ay dadweynuhu doonayaan, isagoo dhinaca kale sheegay in ay garab siiyeen maamul ay dhawr nin garbaduubteen oo uu isagu u yaqaano Jubbaland balse maleeshiyo beeleed Raaskambooni.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay dad isku daayeen si ay danahooda uga tashadaan balse wuxuu burinayaa fariintiisii uu u diray dadka reer Kismaayo ee ahayd in Axmed Madoobe horjoogaha Raaskambooni ay hoos tagaan si tashi la’aan ah.

Halkaan ka dhageyso oo dhagahaaga ku maqal

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com