Danjire Cali Ameeriko oo deeq gaarsiiyey qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab

0

Safirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa maanta deeq lacag ah gaarsiisay qaar ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaleysan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya.

Danjiraha ayaa sheegay in kaalmadaasi lacagta ah ay tahay mid ay ugu talagaleen Qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Waxana u jeedada uu ku sheegay in tahay sidii dadkaasi ay uga qeyb qaadan lahaayeen farxada maalinta Ciida.

Deeqda lacagta ah ee uu safiirka Soomaaliya ee Kenya gaarsiiyay qaxootiga ayaa imaaaneysa xilli ay baahi weyn u qabeen inay helaan kaalmo tan la mid ah, maadaama aysan qaarkooda haysanin wax ay ku ciidaan, waxaana dadka qaarkii la guddoonsiiyay raashin lagu soo iibiyay kaalmada lacagta ah ee uu safiirka soo gaarsiiyay qoysaskaasi.

Qaar ka mid ah qoysaskii lacagta helay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay Danjire Cali Ameeriko uga mahadcelinayaan deeqda lacagta ah ee uu soo gaarsiiyay,