Daawo: Xildhibaan Kenyan Ah Jakoyo Midiwo “ Aadan Barre Ducaale Dhuxusha Kismaayo Ayuu Ka Ganacsadaa, Ganacsatadana Baad Ayuu Ka Qaadaa”

0

Nairobi (AGGM) Xildhibaan Jakoyo Midiwo, oo ka tisan isbaheysiga xisbiga mucaaradka ah ee CORD ee wadanka Kenya ayaa ku eedeeyay xildhibaan Aadan Barre Ducaale in uu ka ganacsado dhuxusha laga soo daabulo Soomaaliya, isagoo adeegsanaya ciidamada xoogga ee Kenya ee Kismaayo ku sugan.

Jakoyo Midiwo ayaa sheegay in lacag sharci-darro ah laga aruuriyo dadka ganacsatada ah ee ku nool magaalada Kismaayo, isagoo gaashaan ka dhiganaya ciidamada Kenya inay sii joogaan Kismaayo.

Hadalkaan ayaa yimid kaddib dood adag oo ka dhacday baarlamaanka Kenya oo xildhibaan Aadan Barre Ducaale uu ku eedeeyay xisbiga CORD inay Alshabaab wadaagaan mabda’ ah in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, taasoo ka careysiisay mudanayaasha xisbiga CORD.

Xildhibaan Jakoyo Midiwo oo aad uga gubtay eedeyntaas Aadan Barre Ducaale wuxuu ka  dalabaday in Aadan Barre Ducaale uu si degdeg ah raaligalin uga bixiyo eedeynta uu u jeediyay CORD, haddii kale ay qaadi doonaan tallaabo adag oo ka dhan ah.

Hadalka Ducaale ayaa xiisad culus ka dhex dhaliyey hoggaamiyeyaasha Kenya oo si weyn ugu kala aragti duwan arrimaha amniga iyo joogitaanka ciidanka Kenya ee gudaha Soomaaliya maadaama Kenya nafsad ahaanteeda aysan amaan ahayn.

Halkaan ka daawo muuqaalkaas oo wax badan kuu iftiimin doona

http://www.youtube.com/watch?v=5gdS4ZrQKvs&feature=share

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com