Dhageyso: C/wali Sheekh Axmed ” Maamul Ayaanu U Dhisaynaa Gobolada Dhexe”

0

Muqdisho (AGGM) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed  ayaa sheegay in ay ku howlanyihiin sidii maamul ay ugu samayn lahaayeen gobolada dhexe  ee Soomaaliya, si horey loogu sii socda qorshaha federaalka iyo taabagelintiisa.

Cabdiwali Sheekh Axmed  ayaa tilmaamay in ay doonayaan in la mideen maamulada kala qobqoban laga soo billaabo koonfurta Gaalkacyo, wuxuu sheegay in maamulka ay dhisayaan uu noqon doono mid matala bulshada deegaanadaas.

Hadalka Ra’isul wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xili xukuumada fadhiidka ah ee uu hoggaanka u hayo ay maamulo u soo dhisi la’dahay gobolada Jubbooyinka iyo deegaanada kale ee koonfurta ku yaalla, waxaana hadalkiisu uu egyahay mid maaweelo ah maadaama ay horey ugu fashilmeen qorshayaashii hore ee laga filayay.

Halkaan ka dhageyso raisul wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com