Top News:Baaq Nabadeed Oo Ay Soo Saareen Dhalinyarada Qurba joogta Beesha Wagardhac.

0

Annaga oo aad iyo aad uga xun Wixii Kala gaaray dadka Waalalaha ah ee wada degta dagmada Caabudwaaq Waxaan utacsiyeey naynaa walaaleheenii ku dhintay mashaqadii Caabudwaaq Kadhacday taas oo si micna daro ah Kudhacday, Waxaan Illaahay uga baryeeynaa intii kudhaawacantay in uu noo booga dhayo ugana dhigo dhawaca soogaaray dabeeyl caafimaad oo kale .

Haddii aannahay dhalinyarada beesha Wagardheceed ee Kunool Wadamo kala duwan oo kukalayaal dacalada Aduunka waxaan aad iyo aad uga xunahay una cambaareeynayna dhibaatada kala gaartay dhalinyarada Joogta Caabudwaaq oo ukala abtirsata Beelaha Walaalaha Wagardhac iyo Celi, Dhalinyarada aanooyinka aan micnaha kufadhiyin iyo dagaalka aan laga fiirsan kadhexwada bulshada walaalaha ah waxaan usoo jeedi naynaa in ay alle Kacabsadaan oo ay joojiyaan dhiiga Micna darada Kubaxaya iyo Colaada Laga dhex hurinaya Umada walaalaha ah, waxaan Si shuruud la’aan ah uga codsanayna Dhalinyarada dablayda ah in Hubka la iska dhigo gacmahana la isqabsado loona dhaqaaqo dhanka Hurumarka iyo waxwada qabsiga.

Waxaan aad iyo aad uga Xunahay Dadka wax galka bulshada ah oo maalin walba si micna daro ah loodilayo ayaga oo aysan jirin wax ay galabsadeen Waxaad ogaataan aanada qabiilka ee aad dhiiga kudaadinaysaan dhalinyaroow Waxaa laga dhaxlo waa garabkaaga oo banaanaday walaalkaa oo cadow kadhigatay Gabar walaasha ah oo aad asay dhabarka usaartay Carruur aad adeer utahay oo aad agoomaysay.

Celi Iyo Wagardhac dagaal udhexeeya majiro

Waxaan Ka xunahay Soomalida waxyaabo ay kuqoraan baraha internetlka oo ay u adeegsadaan hadal aan sax ahayn kaas oo lagu yiraahdo celi iyo wagardhac dagaalay waxaan idiin cadeynayna in uusan jirin dagaal udhexeeya beelaha Walaalaha ah Waxa isdilaya waa mileysiyaad aan katuru jumeeyn rabitaanka bulshada iyo wada dhalashada ummada reer Caabudwaaq, Celi iyo wagardhac dadka reer caabudwaaq ayaga ayaa iskugu jecel iskugu dhow waa wiil iyo Abtigiis waa wiil iyo saaxiibkiis waa walaalo aan wax colaadi kadhexayn waa dad aan marna kala maarmin waxaan codsanayna in dadka wax qora ay kafiirsadaan erayada ay adeegsanayaan, Haddii dagaal udhexeeyo bulshadaan walaalaha ah waxay Wada dagaan intaan oo magaalo wax dhibana kama jiraan,

Gudone, Qorof, Uurmadag, Galaadi, Dhabdad iyo Dalsan, Waxaan ugu baaqayna Beelaha walalaha ah in wixii dhacay xal loo helo lagana digtoonaado in wax danbe soolaabtaan.

Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayna Culimada Ah-lusuna ee Kala dhexgashay mileeysiyadii dagalantay kuna howlan dajinta xiisada taagan sidoo kale waxaan bogaadinayna odayaasha guurtida caabudwaaq oo dadaal dheer muujiyay.

Dhamaad

Afhayeenka Dhalinyarada qurba Joogta UK

Hassan Abdi

Tel: 442035142971

Gelinsoor United Youth Organization
Email:guyo66@hotmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com