Dhageyso:-Abwaan Sangub”Saado Cali waxey aheyd wadaniyad dhab ah

0

Abwaan Maxamuud C/laahi Sangub oo kamid ah abwaaniinta soomaaliyeed kuwooda ugu cansan ayaa kahadlay taariiqdii allaha u naxariistee Saado Cali Warsame oo shalay kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho.

Abwaanka oo ka qeyb galay aaska marxuumada ayaa sheegay in ay fanaanadu aheyd mid jecel midnimada dadka Soomaaliyeed islamarkaana mar walibaahi sameyn jirtay dareen wadaninimo oo dhab ah.

Sangub ayaa sheegay in fanaanad Saado Cali ay tahay fanaanad weyn oo kabaxday umada Soomaaliyeed isagoo sheegay in ay ku xasuusan doonaan dal iyo dad jaceyl.

Halkan ka dhageyso