Shacabka Baardheere Oo Ay Qalqaliyeen Diyaarado Dagaal

0

Baardheere(AGGM)  Shacabka Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa xalay ilaa shalay galinkii dambe si weyn u qalqaliyey diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda.

Diyaaradahaan oo aan la garanaynin cida leh iyo waxa keenay inay magaalada ku wareegaan ayaa lagu soo waramayaa in aysan gaysan wax duqeyn ah.

Magaalada Baardheere waa magaalada kaliyah ee gobolka Gedo ee wali ku harsan gacanta kooxda Alshabaab, waxaana la rumeysanyahay in ay tahay difaaca koobaad ee kooxdaas marka la eego istiraajiyad ahaan goobta ay ku taalo oo isku xirta saddexda gobo lee Baay, Gedo iyo Jubbooyinka.

Ciidamada Alshabaab ayaa la arkayay iyagoo magaalada ka wada howlgalo ay uga hortagayaan diyaaradahaas, sida hubka lidka diyaaradaha.

Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ayaa sanadii 2012kii waxaa weeraro ay magaalada Baardheere ku qaadeen ku waxyeeloobay dad shacab ah kaddibmarkii ay duqeeyeen goobo ay daganyihiin dad rayid ah iyo iskuul Markableey eek u yaalla duleedka wadada Aariboorka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com