Dhageyso:Sadex Ruux Oo Soomaali Ah Oo meydkooda Laga Helay Magaalada Nairobi.

0

Nairobi, AGGM:Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in Meydka Seddex Qof oo Soomaali ah laga helay xarunta xarun lagu keydiyo meydadka oo ku taalo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Maxamuud Cabdi maxamuud oo ka mid ah meydadka la helay ayaa niman isku sheegay in ay ka tirsan yihiin laanta dambi barista Kenya ee CID waxay 23-kii bishan ka kaxaysteen goobtiisii ganacsi oo ku taalla xaafadda Islii.

Labada qof oo kale ayaan weli la aqoonsan, kuwaas oo meydkoodu yaallo isla goobta kaydinta meydadka ee Nairobi.

Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi oo ay ka tirsan tahay xaafadda Islii, Mudane Yuusuf Xasan Cabdi ayaa sheegay in saddexda ninba lagu dilay ceejin, kaddib markii laga dhacay hanti u taallay bankiyo ku yaalla magaalada.

Xildhibaanka ayaa arrinta ku tilmaamay wax laga xumaado, wuxuuna ka codsaday dowladda Kenya in ay samayso baaritaan deg-deg ah oo lagu aqoonsanayo cidda ka dambeysey dilka saddexda qof, si loo maxkamadeeyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com