Xog Xasaasi Ah: Maxaa Loo Dilay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd?

0

Muqdisho, AGGM:Warar hoose oo laga helaayo dhanka Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa sheegaya in dilkii lagula kacay Maxamed Maxamuud Xayd oo ka tirsanaa Xildhibaanada Dowlada oo Taariikhdu marka ay aheyd Jul 03.2014 lagu dilay Albaabka Hotel Centeral ee Magaalada Muqdisho ay ku lug lahaayen Mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowladda.

Xildhibaanada qaar ayaa iyagu siyaabo kala duwan Warbaahinta uga shaaciyay in dilka Marxuum Maxamed Maxamuud Xayd uu iminka soo ifbaxay, waxa ayna Tilmaamayaan in dilkiisa uu ahaa mid salka ku haayay Badda Somalia.

xayd1

Maxamed Maxamuud Xayd waxa uu horay u difaacay Damac Siyaasadeedyo lagu doonaayay in lagu iibsado qeyb kamid ah Badda Somalia, waxa uuna dilkiisa ka hor uu xusul duub ugu jiray Abaabulka Xildhibaano iyaga kasoo horjeysta iibsashada Badda oo xiligaasi uu maqlay in Dowlada Federaalka ay dib usoo faageyso wadadii qabyada aheyd ee lagu iibsan lahaa Badda, hayeesh inta uu Maxamed Maxamuud Xayd ku howlanaa Abaabulka Xildhibaanada waxaa mar qura warbaahinta laga shaaciyay inay dileen Kooxo gaari nooca raaxada ah ku socday, waxaana Asbuuc kadib xigay Saxiixa la sheegay in Madaxweynaha uu u saxiixay Badda Somalia Dalka Kenya.

xayd

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa iyagu si yaabo kala duwan u shaaciyay in Maxamed Maxamuud Xayd uu ahaa Ruux Khibrad fog u lahaa Sharciga Badda, waxa ayna Tilmaameen in Maxamed Maxamuud Xayd uu mudooyinkii dambe la kulmaayay Hanjabaado kaga imaanaayay dhanka Dowladda, balse waxa ay mudo soctayba waxaa xigay dilkiisa, iyadoona muddo kooban kadib ay Dowlada Federaalka Somalia heshiis bada kula gashay Madaxweynaha Dalka Kenya, waxa ayna arrintaasi soo ifbixineysaa in Dilka Marxuum, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd ay ku lug lahayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia, taasi oo cadeyn u ah dilkiisa iyo Heshiiska Badda oo is xigay.

culus

Maxamed Maxamuud Xayd waxa uu ahaa shaqsiga kaliya ee Khibrad dhameystiran u lahaa Sharciga Badda, hayeeshee waxaa go’aan lagu gaaray in laga shaqeeyo dilkiisa si Golaha shacabka looga dhex waayo Ruux aqoon buuxda u leh Arrimaha Badda sidaasina ay ku sharciyeeyan.

Dhanka kale, Xildhibaanada qaar ayaa si cad warbaahinta uga shaaciyay in dilka Maxamed Maxamuud Xayd uu ahaa mid ay maleegtay Dowlada wallow aan taasi la fududeysan Karin, hadana waxaa shakiga meesha ka saarayo hadalada xildhibaanada iyo xiliga isku soo beegay dilka Maxamed Maxamuud Xayd iyo Heshiiska ay Dowlada Somalia Badda kula gashay Kenya.

Isha: AB

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com