Dhageyso: Raggii Dilay Allaha Naxariiste Marxuumad Nafisa Cismaan Salaad Oo Xukun Dil Ah Lagu Fuliyey.

0

Muqdisho, AGGM: Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay maanta in ay xukun dil ah ku fulisay labo nin oo maxkamadda ay sheegtay in ay ku heshay dil ay u geysteen Allaha u naxariiste marxuumad Nafisa Cismaan Salaad oo lagu dilay degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yaroow oo goob joog ka ahaa fulinta xukunka dilka ah, ayaa sheegay in maanta dilka raggaas uu ka dhacay barxadda dugsiga tababarka ciidamada booliska ee Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Liibaan Cali Yarow, waxa uu sheegay in raggaan oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdi (Salmaan) iyo Shaafici Cabdi Xersi (Shaataa) ay qirteen dilka gabadhaas oo wax yar ka hor xilligii la dilay dhameysay jaamacad, billawdayna shaqo.

Xukunka dilka ah ayaa ku soo beegmayo xili ay racfaan ka qaateen xukunka maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay horay u xukuntay, haseyeeshee waxaa mar kale xukun dil ah ku riday maxkamadda sare ee ciidamada walabka sida.

Dhowaan ayay aheyd markii qaar ka mid ah ehelka ragga maanta dilka lagu fuliyey ay dalbadeen in la horgeeyo maxkamad madani ah, qareen u doodana loo qabto, balse maxkamadda ayaa maanta fulisay dilka raggaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com