Dhageyso: Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Danjire Cumar Cabdirashiid Oo Waraaqihii Safiirnnimo uu ka Guddoomay Madaxweyne Barack Obama.

0

Muqdisho, 15Luuliyo 2014 , Danjire Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maalintii Isniinta ee shalay, 14kii bisha Luuliyo 2014 waxa uu gudbiyey waraaqihiisii aqoonsiga Safiirnnimo isaga oo noqday Safiirkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee Soomaaliya Mareykanka u fariista ilaa iyo sanadkii1991.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa waxa uu waraaqaha kaga guddoomay Danjire Sharmake munaasabad ka dhacday Aqalka Cad (White House).

Danjire Sharmaarke waxa uu horey u soo qabtay dhowr xilal hoggaamin Dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid tahay isaga oo Ra’iisu-Wasaare ka ahaa Dowladdii Federaalka KMG ee sanadihii u dhaxeeyey 2009-2010. Waxaa kale oo uu soo qabtay shaqooyin kala duwan ee Qaramada Midoobay oo ay ka mid tahay La-taliyaha Siyaasadda ee Ergada Midowga Afrika ee Sudan iyo Ergeda Qaramada Midoobay ee Sierra Leone. Sidoo kale, waxa uu soo hoggaamiyey ururro bulshada rayidka oo fara badan oo ay ka mid tahay Centre for Peace and Development Initiative (CPDI) iyo tii hadda ugu dambeysay ee Centre for Policy and Dialogue- Somalia and Kenya.

Danjire Sharmaarke waxa uu heystaa shahaadada mastarka ee dhinaca siyaasadda dhaqaalaha (Master of Arts in Political Economy) oo uu ka qaatay Carleton University (Ottawa, Canada) iyo shahaadada digriiga koowaad ee Arts (High Honours) oo ka qaatay isla jaamacaddaas oo ay u dheertahay shahaadada jaamacadda ee dhaqaalaha oo uu ka qaatay Jaamacadda Umadda (Somali National University)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Axmed ayaa yiri, “Aniga oo ku faraxsan baa oggolaaday magacaabista Danjire Sharmaarke ee shaqadan muhiimka ee istaraatiijiga ah. Waxaana farxad ii ah in waraaqihii uu ka guddoomay Madaxweyne Obama, isaga oo hadda wixii ka dambeeya qaadana kaalintiisa uu ku sii wadayo xoojinta xiriirrada siyaasadeed, ganacsi, dhaqaale iyo horumarin ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka”

“Ka guddoomidda waraaqaha aqoonsi ee Danjire Sharmaarke waxa ay caddeyneysaa ujeedada wadaagga ah ee amniga, horumarinta joogtada ah ee loo dhan yahay iyo dowlad wanaagga Soomaaliya islamarkaana waxa ay tusineysaa heerka is-aaminid iyo iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka” ayuu Madaxweynuhu yiri.

Dowladda Mareykan waxa ay sanado badan garab-taagneyd baadi-goobka loogu jiro deganaanshaha iyo horumarinta dimoqraadiyeed ee Soomaaliya, iyada oo la shaqeyneysey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Army) xagga tababarka; waxa ay caawineysay AMISOM ilaa iyo sandkii 2007 dhinaca tababarrada, qalabka iyo taakuleynta. Waxaa intaas u dheeraa gaarsiinta gargaarka iyada oo xoogga saareysey Dimoqraadiyada, maamulka, soo kabashada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo yareynta in xag-jirnnimada wax la moodo.

-DHAMAAD-

Cumar cabdirashiid

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com