Top News: Magaalada Muqdisho Oo Xalay Laga Dareemay Cabsi Dheeri Ah.

0

Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya saaka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ay xalay ka jirtay cabsi xooggan islamarkaana si aad ah loo adkeeyay Ammaanka madaxda dowladda Soomaaliya.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in xalay laga cabsi qabay falaagada Al-Shabaaba ay weeraro ka geystaan gudaha Magaalada Muqdisho, ayada oo bisha barakeysan ee Ramadaan ay tahay 17, oo ku beegan maalinkii dagaalka Badar, Falaagada Al Shabaab ayaa hoowr jeer ku hanjabtay in Maalintaas weeraro xooggan ku qaadi doonaan Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa la galiyay heeggan buuxa islamarkaana waxaa lagu daadshay dhamaan waddooyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho si ay u xaqiijiyaan Ammaanka.

Sidoo kale waxaaa xalay hoteelada caanka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay qaarkood madaxda dowladda degan yihiin amaba fariistaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo cidlo ah ayada oo la dareemayo Hoteladaas markaad booqato jawi cabsi leh.

Waxaa ciidamo dheeri ah la geeyey xarumaha dowladda, sida Villa Somalia, ayada oo laga baqayo in Al-Shabaab ay weeraro ku soo qaado.

Sanadkii hore xiligaani oo kale ayaa wax ay Kooxda Alshabaab Magaalada Muqdisho ka sameysay Weeraro iyo Dagaalo fool-ka-fool ah kuwaasi ay badi ka fuliyeen xaafado ay ka mid ahaayen Boondheere, Xararyaale, Xamarweyne, Kaaran,Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Isku soo wada duuboo Ammaanka Muqdisho, ayaa xumaa maalmihii tagay, ayada oo xildhibaanno badan ay ka baxeen magaalada caasimada ah, ayaga oo naftooda ay u baqyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com