Top News: Kooxo Hubeeysan Oo Weeraro Xalay Ku Qaaday Saldhiga Degmada Heliwaa Ee Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM: Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Kooxo aad u hubeysnaa ay weerar Culus ku qaadeen Saldhiga weyn ee Degmada Heliwaa.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Kooxda weerarka ku soo qaaday Saldhiga ay ku hubeysnaayeen Hubka noocyadiisa kala duwan sida AK47, Dabajeexyo iyo Sabano, waxaana la sheegayaa inay gudaha u galeen Saldhigaasi mudo koobana ay heysteen.

Sidoo kale, waxaa leysu adeegsaday hubka culculus, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro Khasaaro labada dhinac soo kala gaaray walaow aan la shaacin hadana waxaa la Tilmaamayaa in halkaasi ay kusii qulqulayaan Ciidamada Dowladda oo gurmad u ah kuwa Saldhiga.

Dhanka kale, weerar kaasi lamid ah ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Biyo degaanka, ka gadaal markii Bam lagu weeraray Ciidamo ka tirsanaa Dowlada oo halkaasi ku sugnaa, mana cada Khasaaraha weerarkaasi labaad ka dhashay.

Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Degmadaasi ayan weli ka hadlin Weerarada xoogan ee lagu qaaday, wallow weli la maqlaayo Rasaas iyo qaraxyo mambaano oo lagu weeraraayo Saldhiga iyo ciidamada Dowlada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com