Top News: Ciidamo Tiradooda Gaarayaan 110 Askari Oo Tababar Ugu Soo Dhammaaday Turkiga.

0

Muqdisho, AGGM: In ka badan boqol askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa shalay tababar ciidan oo qaatay muddo toban bil ah loogu soo gabagabeeyey magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Taliyaha dugsiga tababarka ciidamada Lugta ee dalkaasi Turkiga, Col Nihat Aksut, ayaa sheegay in ciidamada, oo tiradooda ay dhan tahay 110 askari, ay u dhameystireen dhammaan waxyaabaha aasaasiga u ah ciidan qaranka, lana baray daruus aad u badan.

Nihat Askut wuxuu sheegay in ciidanka ay qayb weyn ka qaadan doonaan isku xirka iyo xiriirka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Turkiga, wuxuuna ciidanka dhameystay tababarka u qaybiyey shahaadooyin iyo biladaha ciidamada.

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Turkiga Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman, oo munaasabadda qalan jabinta ciidanka ka hadlay, ayaa ka codsaday ciidamada in ay gacan weyn ka geystaan sidii dalka ammaankiisa dib loogu soo celin lahaa.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa kal hore kala saxiixday heshiiyo lagu hormarinayo xiriirka ciidamada qalabka sida ee labada dal iyo qorshe Turkiga uu ku tababarayo ciidamada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com