Top News: Ciidamada Dowladda Oo Xalay Qarax Lagula Eegtay Agagaarka Xeradi Qaybta 77 Ee Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Nawaaxiga Xaafada Tusbaxle oo Ku dhow Xerada Qaybti 77 ee magaalada Muqdisho qarax xoogan caawa laga maqalay.

Qaraxa ka dib ayaa dadka deegan nawaaxigaas waxa ay maqlayeen dhawaqa Rasaas Xoogan oo aagaas ka dhaceysa Rasaasta lamaqlayay ayaa dadka waxaa ay ku sheegeen in ay aheed Mid ay afarta jiho uridayeen ciidamada Dowlada ee Qaraxa lagu weeraray ka dib markii ay garan waayeen Jihada Walxaha Qaraxa looga soo tuuray.

Isku soo wada duuboo lama oga ilaa hada qasaaraha ka dhashay qaraxan la maqlay iyo rasaasta xigtay in kastoo dadku ay inoo sheegeen in ay suura gal tahay in qasaaraha ugu badan uu soo gaaray ciidamada dowlada ee Qaraxa Lagu Weeraray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com