Top News: Ahlusunna Waljamaaca “Waan Sii Wadeynaa Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-Shabaab”.

0

Guriceel, AGGM: Guddoomiyaha golaha fulinta ee maamulka Ahlu sunna ee gobollada dhexe Soomaaliya Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire (Al-Ashcari) ayaa maanta sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu tilmaamay in Alshabaab ay ka saari doonaan meelaha ay ka joogaan gobollada dhexe.

Al-Ashcari ayaa hadalkan ka sheegay bannaanbax lagu xasuusanayo dadkii iyo askartii Ahlu sunna ugu geeriyooday dagaalladii ay la galeen Al-Shabaab oo maanta ka dhacay guud ahaan degmooyinka gobolka Galgaduud.

Kun askari oo ka tirsan ciidanka Ahlu sunna ayaa maanta roondo ka sameeyay degmada Guriceel si ay u sugaan ammaanka.

Isku soo wada duuboo Sanadkiiba mar ayay Ahlu sunna qabtaan munaasabad lagu xusuusanayo dadkii ugu dhintay dagaalladii ay la galeen Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com