Dhageyso: Xildhibaan C/naasir Gaarane “Arrintan Badda Waxba Ma Dhaanto Midii Dowladdi KMG Ahayd”.

0

Muqdisho, AGGM: Warar maalmihii ugu danbeeyay soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Xassan Sheekh Max’uud warqad qoraal ah u gudbiyay QM taasi oo ku sheegayo in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in cid-kasta ay wadahadal kala gasho xadeynta badda Soomaaliya ayaa waxaa isa soo taraya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiinta iyo waxgaradka digniinaha ka jeedinaya arintaasi.

Xildhibaan, C/naasir Gaarane oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in arrinta waxba dhaamin midkii KMG, waxaana ku taliyay in hada aan la qaadin talaabo lagu xadeynayo badda Soomaaliya.

“Maahan hada xiligii la xadeyn lahaa Badda Soomaaliya waxaana arintan ay dhaawaci doontaa QM Soomaaliyeed” ayuu yiri xildhibaan C/naasir Gaarane oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka.

Xildhibaan C/llaahi Jaamac ayaa sheegay in cabsi weyn uu ka qabo in hadii la furo wadahadal dhinaca Badda ah oo Dowladda Kenya lala galo ay xasaasiyad weyn kicin karto waxaana tilmaamay in arintaasi ay halin gelin karta dalka Soomaaliya.

Waxaa sheegay in hishiis walba oo laga gaaro arintan in ay noqon doonto mid sharci darro ah maadaama ah la horkeenin Baarlamaanka Soomaaliya isagoona qeexay in madaxweyne Xassan Sheekh Max’ed uusan awood u laheyn in dowladda Kenya uu hiishiii kala galo xadeynta badda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo isna ka mid ah xildhibaannada baarlamaana oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baarlamaanka uusan ka war qabin, islamarkaana qaadan doonin wadahadal laga galo badda Soomaaliya.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com