Dhageyso: Ciidamada Dowladda Oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Walxaha Qarxa Lagu Soo Xirya.

0

Muqdisho, AGGM: Ciidamada Nabadsuguda,Boliska iyo Miltariga Somaaliya iyo kuwa AMISOM oo ay la socdeen Eeyo tababaran ayaa maanta Baaritraan ka sameyay qeybo kamid ah Muqdisho.

Howlgalka Ciidamada isbeheysanaya ay sidawadajirka ah u sameynayeen ayaa u muuqday in si gaar ah loogu beegsanayaya garashyada baaburta oo Dowladdu ay u aragto inay tahay halka gawaarida qaraxyada looga xiro.

intii uu howlgalka socday waxaa gacanta lagu dhigay Labo gaari oo Carib ah oo laga qabtay Garaash ku yaala isgoyska Al-Barako ee Degmada Hodan iyadoo Suxufiyiinta la tusay waxyaabo qarxa oo mid kamid ah saarnaa.

Saraakiisha Howlgalka hogaaminyay ayaa Warbaahinta U sheagay in Qaraxa la qabtay lala damacsana Garoonka Diyaaradah Magaalada Muqdisho.

Meelaha sida gaarka ah Baaritaanada looga fuliyay ayaa waxaa kamid ah Degmooyinka Wadajir iyo Hodan

Dowladda Somaaliya ayaa isgoysyada soo dhoobtay Ciidan farabadan oo ay sheegtay in loogu talagalay sugida Amniga halka Shabaabkuna ay kordhiyeen Weerarada ay ka geysanayaan Caasimada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com