Dhageyso: 18 Ruux Oo Ku Dhaawacmay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Deefow Ee Gobolka Hiiraan.

0

Baledweyne, AGGM: 11 Ruux ayaa ku dhimatay 18 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed saakay mar kale ka dhacay deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan.

Dadkan ku dhaawacmay dagaal beeleedkan ayaa la geeyay Isbitaalka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Qaar ka tirsan dadka deegaanka ay qaxeen, kadib markii qeybo ka tirsan deegaanka lagubay,Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Baledweyne, Korneyl Cali Cabdi Mahad-Alle (Cali Dhuux) ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dagaalka.

Isku soo wada duuboo qaar ka tirsan odayaasha gobolka Hiiraan ayaa maalmahan waday dadaallo lagu joojinayo dagaal beeleed ka dhacay deegaannada Deefow, Kabxanleey, iyo Beereey oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com