War Cusub: Kooxda ISIS Oo La Wareegtay Magaalada Dhuluiya.

0

Baghdad, AGGM: Xoogaga Maamulka Islaamiga ah ee dalkaasi Ciraaq ayaa la wareegay magaalo 70km u jirta caasimada Baqdaad.

Dagaalyahanada ISIS oo ay wehliyaan 60 gaadiidka dagaalka ah ayaa qabsaday magaalada Dhuluiya oo 70km dhinaca waqooyi uga beegan caasimada Baqdaad.

ISIS ayaa la wareegtay dhamaan xarumaha dowlada ee magaaladaasi iyagoo sidoo kale burburiyey mid kamid ah Buundooyinka magaaladaasi oo isku xirta waqooyig iyo koonfurta Ciraaq.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com