Top News:Dowladda Ruushka Oo Digniin Culus U Diray Dowladda Ukraine.

0

Moscow, AGGM:Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay jawaab adag ka bixin doonta madaafiic laga soo riday Ukraine oo kusoo dhacay dhulka Ruushka.

Duqeyntan ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo Ruush ah waxaana ku dhaawacmay labo haween ah.

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay tilaabo aysan kasoo kaban doonin ka qaadi doonto Ukraine hadii aysan joojin falalka noocaan ah.

Isku soo wada duuboo Dowladda Ukraine ayaa dagaal kula jirta xoogaga gooni u goosadka ku sugan bariga dalkaasi ayaa sheegtay inaysan iyada ka danbeyn duqeyntii lala beegsaday dhul kamid ah Ruushka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com