Top News: Dowladda Iran Oo Kordhinaysa Waqtiga Ay Ciidamadooda Ku Sugnaanayaan Xeebaha Soomaaliya.

0

Tehran, AGGM: Taliyaha ciidamada badda ee dowlada Iran Xabiibulah Sayyari ayaa ku shaaciyay in wadankiisa uu qorsheynayo inuu qordhiyo waqtiga ciidamada dalkiisa ay ku sugnaanayaan biyaha caalamiga, iyagoo qeyb ka ah la dagaalanka burcad badeeda.

“Ciidamada Badda Jamhuuriyada Islaamiga Iranwaxay door ka ciyaarayaan qorshaha lagu xoreynayo biyaha caalamiga loogana hortagayo in waxyeelo loo geysto maraakiibta”sidaasi ayuu yiri Mr Sayyari.

“Waxaan rajeynaynaa inaan kordhino sii joogitaanka biyahaaasi sanadkaan qeyb weyne aan ka qaadano difaaca danaha wadankeena”sidaasi ayuu hadalkiisa kusii daray taliyaha ciidamada badda ee dalka Iran.

Sanadihii lasoo dhaafay, ciidamada badda ee dowlada Iran ayaa kordhinayay sii joogitaanka biyaha caalamiga si looga hortago kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ee afduubta maraakiibta caalamiga ah.

Taliyaha ciidamada badda ee Iranayaa dhanka kale sheegay in fariin ay u diyaraan burcad badeeda ayna ujeedadooda tahay fariin nabadeed oo ay u dirayaan asxaabtooda iyo wadamada kale.

Masuuliyiinta dowlada Iraniyo taliyaashooda ayaa sheegay inay sameyn doonaan dadaalo dheeri ah oo ay kaga hortagayaan kooxaha burcad badeeda Soomaaliya.

Ciidamada la dagaalanka burcad badeeda ee dowlada Iranayaa kusoo biiraan howlgalkaasi bishii November ee sanadkii 2008, markii kooxo Soomaali ah ay afduubteen markab shixnad siday xilli uu marayay xeebaha dalka Yemen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com