Top News: Dowladda Ingiriiska Oo 1.1 Bilyan Oo Doolar Ugu Yaboohday Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

0

London, AGGM: Dowlada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay kordhineyso amaanka dalkaasi ayna ku bixineyso dhaqaalo badan oo looga hortagayo weeraro argagixiso oo ka dhaca dalkaasi, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska.

Ra’iisul wasaare David Cameron ayaa ku dhawaaqay dhaqaale gaaraya 1.1 bilyan oo doolar oo lagu maalgelinayo ciidamada meletariga si looga harotago qataraha dhanka amaanka ee ka dhici dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dhaqaalahaasi badankood lagu bixin dooni adeegyada sirdoonka, qalabka sirdoonka sida diyaaradaha aan cidi wadi iyo amaanka qaranka dalkaasi.

Wuxuu digniin kasoo saaray in amni daro ay ka dhacdo dalkaasi oo ay geystaan wuxuu ugu yeeray argagixisada caalamka, isagoo sheegay inay bartilmaameydsan karaan dibada gudaha iyo dalkaasi.

Dhaqaalaha cusub ee ciidamada Ingiriiska ayuu ku sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaasi inay ku jirto 800 milyan oo Pound si loogu maalgeliyo arimaha sirdoonka iyo agabka ay u baahan yihiin ciidamadaasi.

Wuxuuna sheegay in ujeedada ugu weyn ay tahay in looga hortago weerarada ay geysanayaan kooxaha xiriirka la leh Alshabaab, sida uu hadalka u sheegay ra’iisul wasaaraha ingiriiska.

Maalmo kahor ayay aheyd markii dowlada Kenya ay soo saartay digniin ku aadan in muwaadiniinteeda aysan u safrin magaalada London ayna ka dagin garoonka diyaaradaha ee Heathrow ee magaalada London.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com