Subxaana Laah: Daawo Dhacdo Naxdin Leh “Tahriibayaal Soomaaliyeed Oo Baahi Darteed Iyagi Iscunay”.

0

Muqdisho, AGGM: Waa warbixin naxdin iyo murugo leh, marka aad daawato, kuna socoto qof kasta oo Soomaaliyeed oo damac kaga jiro inuu u soo tahriibo Yurub.

Hooyo lagu magacaabo Nasro Jaamac oo kasoo tahriibtay magaalada Burco, waxay ka sheegeysay arin murugo iyo xanuun badan oo ay lasoo kulantay intii ay ku guda jirtay Tahriibka inta u dhaxeysa Soomaaliya ilaa Malta oo ay hadda ku sugan tahay.

Nasro waxay sheegtay in Dumar fara badan oo ay isla socdeen qaar la dilay, qaar horteeda lagu kufsaday, qaarna saxariir u dhinteen, sidoo kale rag fara badan oo jidka lagu laayay, qaar gaadiidka laga tuuray, qaarna la saxriir dilay.

Waxay si gaar ah ugu hadashay dumarka oo ay sheegtay in Muqalasiinta ay dumarka sidey doonaan ka yeelaan, iyagoo meel gooni ah u leexsanaya

Halkaan Ka Daawo Dhibaatada Tahriibka Soomaalida Kala Kulmaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com