Dhageyso: Horjooge Gooni “Qaraxyo Kismaayo Laga Geesan Rabay Ayaan Fashilinay”.

0

Kismaayo, AGGM: Horjooge C/rashiid Gooni oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in ay Fashiliyeen Qaraxyo ay Al-Shabaab ka geysan rabeen Gudaha Magaalada Kismaayo.

Horjoogaha waxa uu Sidoo kale Sheegay in hada ay wadaan Baritaano ay ku xaqiijinayaan Amaanka Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn Horjooge Gooni ayaa Shacabka ugu baaqay in ay la Shaqeeyaan Maleeshiyo Beeleedkooda si loogu hor tago Falalka Amniga lidiga ku ah.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa Mudooyinkii dambe waxa uu ahaa mid aad u xun waxana Xusid mudan in Maleeshiyaad ka tirsan Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni lagu soo daadiyay Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Kismaayo balse aysan waxba ka badalin Ammaan xumada ka jirta magaaldaas maadaama ay iyagu yihiin kuwa dadka ku haya dhibaato baahsan islamarkaana maleega qaraxyada ka dhaca magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com