Dhageyso: Caydiid Ilka Xanaf “AMISOM Waa Ay Daayacday Sugida Ammaanka Garsoorka Dalka”.

0

Muqdisho, AGGM:Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Caydiid Ilka Xanaf mar uu ka hadlayey Amaanka Garsoorayaasha Dalka ayuu sheegey in Shaqadda ugu horeysa ee Ciidamadda AMISOM ay tahay sugidda Amniga Hay’adaha ugu sareysa Dalka.

Gudoomiye Caydiid Ilka Xanaf ayaa waxaa uu AMISOM ku Eedeeyay in ay dayacday amaanka Garsoorka Somalia isla Markaana hadda ay baylah u yihiin Cadawga Waxa uu ugu yeeray waxaana uu intaa ku daray in amaankoodu halis ku jiro cabsi uu qabana uusan u shaqo tagin xafiiskiisa

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dalka Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf oo Wareysigaan siiyay Idaacadda VOA da qaybta la hadashay Soomalida ayaa waxaa la waydiiyay waxa ka jira Eedeyn loo soo jeediyo oo ah in Shabaabka la xukumo Xabsiga laga sii daayo oo al shabaab hanjabaad uga imaata ay ka cabsanayaan garsoorku arintaas ayuu iska diidday .

Ilka Xanaf ayaa waxaa uu sheegay in Dacwadaha dadka al shabaabnimada loo soo qabto iyagoo ka cabsanaya in al shabaab ay bartilmaameed u Noqdaan sidaa darteedna ay maxkamada Ciidanku qaado dacwadahaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com