Dad Siyaabo Kala Duwan Loogu Dilay Xalay Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen xalay wiil dhalinyaro ah oo Taageero u ahaa xulka Kubadda cagta dalka Argentina.

Dilka loo geystay Wiilka Dhalinyarada ee Taageeraha u ahaa xulka Argentina ayaa ka dhacay xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, waxaana la sheegay in wiilkaan markii la dilayay uu u sheekeenayay dhalinyaro kadib xilliga Afurka ee Fiidka isagoo kula xifaaltamayay dhalinyarada kale in xulka Argentina ay qaadi doonaan koobka adduunka oo uu taageero u yahay kadibna kooxo hubeysan oo wadada marayay ayaa ku toogtay Bistoolado kadibna isaga baxsaday goobtaas.

Sidoo kale waxaa Xaafadda Seey Biyaano oo u dhow isgoyska Banaadir xalay Rag Hubeysan ay ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Somalia xilligii Afurka kadibna ay isaga baxsadeen  goobtaaas.

Kadib markii uu dilka dhacay ayaa ciidamo kuwa Ammaanka ah sida Booliska iyo Nabad Sugidda ay soo gaareen goobta uu dilka ka dhacay iyagoo halkaas ka bilaabay baaritaano iyo waraysiyo ay la yeelanayeen dadka goobka ka dhawaa iyagoo la sheegay inay halkaas ka wateen Dhalinyaro ay sheegeen in la baarayo.

Sidoo kale Maanta ayaa kooxo hubeysan oo ka tirsan Al Shabab ay Degmada Wadajir ku dileen nin magaciisa lagu soo gaabiyay FOOD CADDE kaas oo la sheegay inuu u shaqeenayay dowladda Somalia kadibna ay isaga baxsadeen kooxihi dilka geystay goobta.

Isku soo wada duuboo Magaalada Muqdisho ayaa dilka wuxuu ka noqday mid joogto ah tan iyo markii uu bilaabatay bisha Barakaysan ee Ramadaan markaas oo kooxda Al Shabab ay balan ku qaadeen inay xoojinayaan dilalka iyo qaraxyada ay ka geysanayaan magaalada Caasimadda iyadoo Muqdisho ay marti u noqotay dilal iyo qaraxyo badan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com