Daawo: Dr.Cabdi Shire Warsame ” Nabada Jubba waxaa maanta hortaagan waa R/Wasaare Abdiweli, kana daran Ahmed Madoobe”.

0

The Hague, AGGM: Dr, Abdi Shire Warsame, oo ka mid ah hoggaaminta golaha nabada iyo midnimada gobollada Jubba ee uu madaxda u yahay Col, Barre Aden Shire ” Hiiraale” ayaa socdaal baryahan socdaal uu ku marayey wadamada Yurub kusoo gaaray dalka Netherlands, kadibna warbixin ka siiyey halka ay wadahadaladii gobolladaasi marayaan.

Waxaa uu ka hadlay wadahadalkii laga dhexwaday iyaga iyo maamulka Ahmed Madoobe oo uu sheegay inuu mar hore wadahadalkaasi hakad galay kadib markii sida uu sheegay Ahmed Madoobe ka leexday hishiiskii lagu gaaray magaalada Adis Ababa, isagoona intaasi raaciyey in dib u hishiisiin la gaaro iska dhaafi xaalkii gobolladaasi ay arrinta sii cakirtay.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com